Shacabka ku nool degaanada laga xoreeyay argagixisada oo la gaar siiyey Shixnado isugu jiray cunno iyo dawooyin,

29- August-2023

Shacabka ku nool degaanadaas ayaa la gaar siiyey Shixnado isugu jiray cunno iyo dawooyin, sidokale waxaa laga hirgaliyay adeegyada Garsoorka, waxbarashada iyo dhammaanba adeegyada bilowga u ah noolasha, kuwaas壯陽藥 i oo ay degaanadaas u diideen arxan laawayaasha Al- Shabaab.

Dowladda ayaa dib u dayac tir ku sameeyasay ceelal fara badan oo kooxaha khawaarijta ay gubeen, halka kuwa kalana ay aaseen, hada dowladdu waxay ku howlan tahay xasilinta nabada iyo hormarka gooba laga xoreeyay Khawaarijta

Hawlgalka Ciribtirka maleeshiyaadka Khawajirta ee ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ka wadaan qeybo kamid ah gobalada dalka oo jab xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale laga saaray  degmooyin iyo degaanno  in muddo ah ku dhibateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Degmooyinka iyo deegaanada laga xorooyey khawaarijta waxaa laga hirgaliyay adeegyadii Aas-aasiga u ahaa noolasha dadka

Leave a Reply