December-31- 2023
Soomaaliya iyo maamul goboleedka la baxay Somaliland ayaa ku heshiiyey in dib loo bilaabo wada-hadallada lagu xallinayo arrimaha taagan, kaddib xiisado siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay iyo sannado is-mari-waa ah.
Heshiiskan oo la saxeexay Jimcihii ayaa waxa uu daba socday laba maalmood oo wadahadal ah oo uu dhexdhexaadinayey madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee noocooda ah tan iyo 2020-kii markaas oo wada-hadalladan oo kale ay joogsadeen.
“Wadahadal dheer kadib, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo hannaankii wada-hadallada…iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha danta qaranka si xal waara looga gaaro,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay si wadajir ah u daabacday madaxtooyada Soomaaliya.
Gobolka Waqooyi ayaa raadinayey dowladnimo buuxda tan iyo markii ay sheegteen in ay ka go’een Soomaaliya 1991-kii, waxaana tallaabadaas si weyn uga soo horjeeday Muqdisho oo aan aqoonsaneyn caalamka.
Somaliland ayaa inta badan loo arkayay inay ifka u tahay xasiloonida mandaqada Geeska Afrika ee qaska ah, inkasta oo xiisado siyaasadeed ay halkaasi ka dhaceen horaantii sanadkan, kuwaas oo u gudbay rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay.
Sida uu dhigayo heshiiskii Jabuuti, labada dhinac waxay ku heshiiyeen qorshe ay ku wadahadli karaan muddo 30 maalmood ah iyo sidoo kale in la iska kaashado amniga iyo la dagaalanka dambiyada abaabulan, waxayna ballan qaadeen inay ka wada shaqayn doonaan nabadda iyo xasilloonida goobaha colaaduhu ka jiraan.
Iyada oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay rabto dhameystirka dastuurka iyo qabashada doorasho iyo cod ah, ayaa dhinaca kale waxaa caqabadaha jira kamid ah maqnaashaha Somaliland.
Waxaa si hordhac ah loo soo dusiyay in wada-hadalkii Jabuuti uu ahaa kii ay Somaliland ugu dabacsaneyd uguna daacadsaneyd, iyada oo Muqdisho marar badan muujisay inay wax badan uga tanaasuli karto Hargeysa si dib loogu soo celiyo midnimada.
Durba shaki ayey inta qarsoon ee wada-hadallada ka abuureen Hargeysa. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xasan wuxuu sheegay in qoraalkii kasoo baxay shirkii Jabuuti inuu ahaa mid hoos u dhigaya Somaliland
Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Kulamadii hore ee labada dhinac ayaa socday iyo dib u socday intii u dhaxeysay 2012 iyo 2020 balse ma aysan dhicin wax horumar ah.
Inuu Muuse Biixi Cabdi wada-hadal dabacsan galo waxay dadka qaar aaminsan yihiin inay keeneen duruufaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ay maanta dhex jiifto Somaliland, kuwaasi oo xitaa aan maanta haysan niyad wanaagii beesha caalamka.
Halka dadka qaar ay qabaan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu miiska geeyay tanaasul, niyad wanaag iyo fulinta shuruudo waaweyn, haddii Somaliland dib usoo laabenyso taasi oo qaboojisay kuleylkii dhanka Somaliland.
Si walba, dadka ka faalloonaya wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxay sheegayaan in xalka uu intii hore ka dhow yahay marka la eego xeeladaha Xasan Sheekh, xaalka uu ku sugan yahay Muuse Biixi iyo sida ay u naafoowday fikradii ictiraafka.
Inay wada-hadallada ku bilowdeen heer sidaan u dabacsan oo ogolaansho badani ay ka muuqato, waxay madaxweyne Xasan Sheekh u tahay fursad kale oo naadir ah oo xoojinaysa rajooyinka laga qabo xukunkiisa
Heshiiska Jabuuti waxaa soo dhaweeyay Workneh Gebeyehu, oo ah xoghayaha fulinta ee urur goboleedka Igad, oo Soomaaliya ay ku biirtay bishii November.
“(Anigu) waxa ay xoogga saaraysaa muhiimadda ay leedahay in hab nabadeed iyo wadahadal lagu xalliyo dhibaatooyinka iyo cabashooyinka ka jira dhammaan dalalka xubnaha ka ah,” ayuu ku yiri X, oo hore u ahaan jiray Twitter.
Safaaradda Britain ee Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay tallaabadan oo ay ku tilmaantay “tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhinaca dib u heshiisiinta” qoraal ay soo dhigtay X.