Waxaa Tiriyay. Bootaan Axmed Xalane
GAL-MUDUG
warankii yaambaan ka tumay
weerarkii sooryaan u rogay
weyraxii wilisiqaan u duway
wixii laygu xaman jiriyo
warkii kululaa ka tegay
haddaan ahay wiil gal-mudug
soomaali is weheshatiyo
midnimo waartoo jirtaan
markaan calanka u wilwilay.
wasiisiga doorashiyo
walaahowgaan jirana
walaalaha gobolladiyo
wasiir- koobaadka iyo
wakiillada aqalka sare
halkey wadartood jirtaan
ku waafaqayaa ra’yiga.
PUNTLAND
waxaan ahay warasadii
waqood maamuli jirtee
waddankaan la i dafiray
waax qura ley diiddan yahay
wadniyo beer baan u ahay
warmoogyada talinayow
waagii baan idiin beryine
haddaan waaxid igu galladin
weynuhu sabab iiga dhigin
wax soomaaliya la dhoho
runtii waa la weyn lahaa.
mudnaan weydiisashiyo
waanwaan kale ii dib dhige
doorasho waqtigeed dhacdiyo
warkayagood qaadataan
ayaa waajiba haddeer.
JUBBALAND
colaad baa igu wajahan
weer baa madaxdii u xiran
dagaal bey werinayaan
amxaarey soo wataan
waamaa ley diiddan yahay
shisheeye haddaanan wacan
keenyaan waaceensi bidin
miyaanba warrami lahaa.
waqtiga yare nooga haray
war yaan waxba loogu darin
warkooda naloo aqbalin
cabsida welwelkeeda iyo
wareerku ha naga ba’ee.
HIRSHABEELLE
waddaniyiin dhaartayoo
wegere ila duuban iyo
wadaaddaan moodi jiray
wax-dheef anigoon ku qabin
ayaan wiglo been u tumay
bal waayo u samir is iri
nin malab aad waraabisoo
waabaay kuu qarinayaa
wed buu kuu soo sidaa
wadaay beenlaha ka carar.
waayeel loo dhaartayoo
walaalkiis lagu diroo
la waabinayaa ku jeer
wanaag kagama fadhiyo
wahey naga soo afjara
walaacu ha naga baxee
KOOFUR-GALBEED
nin weyn oo waayo jira
wedkiis waa garanayaa
webigu jihaduu u shubo
qofkii weydaaro dhaha
waxyeelluu halis u yahay
anoon wacadkii ka bixin
ogsoon in la ii waqlalay
misana waxan ahay wakiil
walaayaan dad u sidaa
warkoodaa soconayee
ha wiiqina doorashada
waqtigu yuu naga dib dhicin