Waxaa saakay dib u bilowday shaqada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada, kaddib markii shalay diyaarad xamuul ah ay ku burburtay agagaarka Runway-ga diyaaradaha ku soo degaan, taasoo keentay in diyaaradihii shalay imaan lahaa ay soo degi waayaan.

Diyaaradihii caalamiga ahaa ee garoonka ka soo degayay ayaa saaka duulimaad ku yimid Muqdisho, sidoo kale diyaaradihii gudaha ayaa caadi u shaqo bilaabay.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sheegtay in shaqada garoonka ay caadi ku socoto, isla markaana diyaaradii shalay ku burburtay qeybta runwayga garoonka laga qaaday burburkeeda.

Diyaaraddii shalay ku dhacday garoonka Muqdisho ayaa laga lahaa dalka Kenya, waxaana ay xamuul u siday magaalada Beledweyne, diyaaradda oo ka duushay Muqdisho ayaa degdeg u soo laabatay, kaddib markii ay cilad ku timid.
