Shaqo joojin lagu sameeyay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud, kadib guuladaradii Orodka Shiinaha ,

2- Aug-2023- Muqdisho

Shaqo joojin lagu sameeyay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud, kadib guuladaradii Orodka Shiinaha ,

Dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan furtay, waxayna shaqada ka joojisay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud, Khadiijo Aadan Dire, markii Orodyahanad Soomaaliyeed ay ku soo gashay saacadihii ugu gaabis badnaa ee orodka 100-ka mitir ee haweenka iyadoo ku orday habacsanaan 21.81 ilbiriqsi.

Wasiirka ciyaaraha, ayaa sheegay 犀利士 inuu socdo baaritaan ku aadan guuldarada Somalia ka soo gaartay Orodka gabdhaha we dalka Shiinaha Iyadoo ay jirto warar sheegaya in Orodyahanada oo aan ka tirsaneyn gabdhaha ciyaatooyda orodka ay dalka ku matashay Orod ay soomaali badan ka xumaadeen

Jariirada https://www.dailymail.co.uk/ ayaa qortay in Nasra abuukar oo ku tartameysay Orodka 100 mitir ee abid ugu yar, adduunka ay 10 ilbiriqsi ka danbeysay ciyaartoydii kale ee ka qayb gashay orodka gabdhaha Jaamacadaha Adduunka ee Shiinaha lagu qabtay

Nasra Cali Abuukar ayaa ku orday orodka 100-ka mitir ee haweenka iyadoo ku orday habacsanaan 21.81 ilbiriqsi Waxaana daba galay si, ay ugu maadsadaan gabdhihii kale ee la tartamayay

Nasra ayaa kamaradaha lagu toogtay wax qabadkeeda oo ku faafay baraha bulshada iyada oo ay jirto sheegashooyin qaraabo kiil ah oo ka jira dalkii hooyo ee Soomaaliya Dheeho.com

Wasiirka Cayaaraha oo Shaqadii ka joojiyay Guddoomiyihii xiriirka Cayaaraha fudud

Guddiga Olombikada Qaranka oo fulinaya Amarka wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa shaqada ka joojiyey Guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud Khadiioj Aaden Daahir.