MUQDISHO”
Qaar ka tirsan Shaqaalaha ka hawlgalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa maanta waxa ay dhigeen banaan bax.
Banaan baxa oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid ay ku dalbanayaan xuquuq ka maqan in mudo ah, iyo sidoo kale tabashooyin dhanka cadaaladda shaqada ah.
Shaqaalaha banaanbaxa dhigayay ayaa tilmaamay in maamulka shirkadaha ajaanibta ah ee ka hawlgala garoonka Aadan Cadde ay ka waayeen xaquuqdoodii ay ku lahaayeen.

Waxa ay intaa ku dareen in madaxda ajaanibta ah ee maamula shirkadaha ay u shaqeeyaan ay soo mareen heerar kala duwan, oo qaarkood ay qaarka kale badalaan, taasina ay sababto in ay waayeen meel ay u raadsadaan xuquuqdooda.
Waxa ay dalbadeen in dawlada Soomaaliya iyo dhammaan cidkasta oo gacan ka gaysan karta arrintan ay soon faragaliso