Sharciyan ma sax baa in dowladda Soomaaliya ay heshiis kala laabato ciddii ay u aragto inay siyaasadeeda ka hor imaanayso

3- Ap-2024

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaadday tallaabo hadal hayn badan dhalisay, taas oo ay xilka uga qaadday Samiira Gaid oo ahayd La taliyihii mashruuca ay Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shaqadii looga joojiyay Samira, iyadoo loo sababeeyay in ay fara gelisay arrimo aan quseynin.

Sababta Samira Gaid loo eryay ayaa la xiriirta qoraaladeeda siyaasadeed ee barta X ee horay loogu yaqiinnay Twitter, kuwaas oo loo arkay inay khilaafsan yihiin “madax bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka la talinta sida lagu sheegay qoraalka.

“Farriimahaaga tweet-ka ah ee ku saabsan arrimaha siyaasadda waxay si toos ah uga hor imanayaan mabaadi’da iyo dhexdhexaadnimada kuwaas oo lagama maarmaan u ah shakhsiyaadka ku shaqeynaya doorarka la talinta ee mashaariicda dawladda.

“Ka wasaaradda amniga gudaha ahaan ma aqbali karno hab-dhaqanka wax u dhimi kara ama khatar gelin kara sharafta mashaariicdayada. Sidaa darteed, ka dib tixgelin taxaddar leh, waxaan ka xunahay in aan ku ogeysiino in aynaan awoodin inaan sii wadno la shaqeyntaada la taliye ahaaneed ee Mashruuca SJGAB”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha oo ku saxiixan yahay ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaraddaas Maxamed Cali Xagaa.

Shaqo joojinta haatan lagu sameeyay Samira ayaa waxaa ka horreeyay hadallo loo arkayay in ay kulul yihiin oo uu isna maalin kahor soo daabacay Wasiirka Baatroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed Cumar, kaas oo si toos ah ugu socday Samira Gaid.

Wasiirka ayaa yiri, “soo daabicista siyaasad xisbinimo adigoo soo gudbinaya aragtiyo liddi ku ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku shaqaaleysiisay waa qalad”.

Muxuu sharcigu ka qabaa xil ka qaadista Samiira?

Samiira waxay ka gaabsatay inay BBC uga warranto arrimaha lagu haysto.

Sharciyan waxaa la is weydiinayaa sax ahaanshaha xil ka qaadisteeda iyadoo ay dhalisay muran badan.

Abuukaate Zakariye Yuusuf oo aan wax ka weydiinnay sharci ahaan sax ahaanshaha xil ka qaadista ayaa yiri, “Qofka shaqada laga eryayo ha ahaado la taliye ama shaqaale kaleba lagama eryi karo shaqada haddii uu yahay shaqaale rasmi ah oo soo maray sharciga shaqaaleysiinta hay’adda shaqaalaha rayidka, si kasta oo uu u baahiyo aragti kaduwan tan dowladda”.

Waxa uu sheegay abuukaataha in ay ka duwanaan karto haddii qofka shaqaalaha ah uu yahay mid aan soo marin sharciyada shaqaaleysiinta ee dowladda.

“Haddii qofku uu yahay shaqaale sida la taliye oo kale ah oo uu qof magacaabay ama hay’ad gaar ah, dabcan daqiiqad kasta ayaa lagu eryi karaa oo waxa ay la mid tahay adiga oo shaqadaadii ka soo bixi waayay, shaqadiina lagaa joojiyay in aan lagugu qancin awgeed,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf.

Waxa uu sii kala qaaday haddii qofku uu yahay mid heysta heshiiska muddeysan ee loo yaqaanno ‘Contract’, iyo haddii qofku uu yahay shaqaale rasmi ah oo aan heysan heshiis muddadiisa ka dib u ba犀利士 ahan cusbooneysiin.

“Qofka lataliyaha ah laftigiisa, waxaa lala galaa heshiis u baahan cusbooneysiin ay muddadiisu ku caddahay heshiiska, haddii muddada heshiiska ku taalla uusan gaarin xilligii uu dhici lahaa, hase yeeshee heshiiska ay ku xusan tahay aragtideenna kama hor imaan kartid, waa sax oo waa lagu eryi karaa, laakiin haddii aysan ku caddeyn laguma cayrin karo, markaasna waxaa kuu furan in aad dacwad furato”, ayuu sii raaciyay abuukaate Zakariye

Leave a Reply