Shariif “Ma oggolaan karno in aayaha dalka u afduubnaado shaqsiyaad raba kursiga inay sii joogaan”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxda dowladda aanay qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in Madaxda dowladdu aysan daacad ka aheyn in heshiis laga gaaro xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo Dowlad Goboleedyada.

“Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan”

Ugu dambeyn Sheekh Shariif waxaa uu uga digay Guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga aheyn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedka yahay in xil kordhin ay u xallaaleeyaan Madaxtooyada

Leave a Reply