26,November, 2020 Muqdisho
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda hadda talada haysa ee uu hoggamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ay waddo marin habaabin ku aaddan doorashooyinka, isagoo u jeediyay eedeymo kala duwan oo uu sheegay in dowladdu ay gashay.

Waxaa uu sheegay in aan loo baahnayn in xiligaan dalku galo jahawareer siyaasadeed, waxaana dowladda ugu baaqay in dooarshada ay ka dhigto mid daah furan oo aan qofna lagu dilmin,
Guddiga doorashooyinka ayuu sheegay in laga wadatashado oo la isku raaco, waxaana uu intaas ku daray shariif Sheekh Axmed in Guddiga aysan noqon kuwo hal dhinac ah, iyadoo ay muuqdan sida uu ka dhawaajiyay wax is badamarin ku aaddan dhanka guddiga.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay waddo ficilo u muuqda kuwo colaadeed, oo bulshada iyo Musharixiinta lagu dhibaataynayo