Shariif Shiiq axmed oo noqday murashaxii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha

Muqdisho-“8” May” 2022

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqday Murashaxii ugu horreeyay ee isdiiwaan geliya.

Sidoo kale daqiiqadaha soo aadan ayaa la filayaa in musharixiin kale ay is diiwaan geliyaan, islamarkaana la siiyo shahaadada musharaxnimada madaxweynaha Soomaaliya.

Tartanka doorashada madaxweynaha cusub ee dalka ayaa waxaa u sharaxan Musharaxiin fara badan oo tiro ahaan gaareysa labaatameeyo oo ay ka mid yihiin madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo, madaxweynayaashii hore, raysal wasaarayaal hore iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Doorashada madaxweynaha dalka ayaa qabashadeeda ku asteeyaan 15-ka bishaan May oo ku beegan Maalintii la aas aasay Ururkii dhalinyarada ee gobanima doonka ahaa ee SYL, waxaana doorashadaan si gaar ah indhaha ugu wada haayo Shacabka Soomaaliyeed iyo d壯陽藥 alalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Leave a Reply