Sheekh Cali Wajiis”Waa wax laga xumaado in ganacsato waaweyn loola dhaqmo sida dambiilayaal oo kale

Sheekh Cali Maxamuud Xasan “Wajiis” oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xarig loo geystey qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali Wajiis oo la hadlay taleefishinka Dalsan ayaa ku tilmaamay ganacsatada la xirey inay tiir weyn u yihiin dowlada ayna ahayd qalad sida loola dhaqmay ganacatada la xirey.

“Waa wax laga xumaado in ganacsato waaweyn oo bulshada wax u qabanaya in la xiro,”ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in ganacsatada la xirey aysan wax xiriir ah la lahayn wax uu ugu yeeray argagaxisada.

“Canshuur ayay bixiyan waxa ay ahayd in la soo dhoweeyo maadaama ay dhaqaale badan dowlada ay siiyaan loona abaalgudo.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Sheekh Cali Wajiis.

Ganacsatadan la xirey ayaa waxaa ka mid ah Xaaji Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed cismaan shuuriye iyo 7 kale oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee magaalada Muqisho.

Xaaji Maxamuud Cumar Caddaan ayaa la sheegay in laga soo xirey suuq Bacaad iyadoo xarigiisana ay ka dambeeyeen ciidamo gaar ah illaa iyo haddana ma jiro wax maxkamad ah oo la soo taagay ganacsatadan.

Dowlada Federalka ayaan weli ka hadlin xariga ganacsatadan,hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in ganacsatadan loo haysto xiriir ay la sameeyeen ururka Al-shabaa

Leave a Reply