Ethiopia sheekh Muslim ah oo dib u dhis ku sameeyay Kaniisad duntay Xilligii Axmed Gurey

16″ July “2021” Bbcsomali

Sheekh Xasan Yimar waa nin haysta diinta islaamka oo Salaada tukada, Sooma masaajidkana si weyn ugu xiran oo diintiisa si buuxda ugu dhaqmo.

Munaasabadaha ciidda islaamka, sida Carafada, Soon-furka iyo Mowliidka, ayuu sanad walba Musliinta u qabtaan si ay u dabaaldegaan.

Qofkasta oo Sheekh Xasan salaan ka qaado jawaabta ugu horreysa uu kala kulmi jiray waxay ahayd ‘Waa Alxamdulillah”.

Balse in mudda ah wuxuu ku howlanaa siduu u badbadin lahaa kaniisad ku taallo buur dusheeda, iyada oo da’diisu ay ka hor istaagin buur inuu fuulo, si uu kaniisadda halka ay ku taallo uu u gaaro.

Sheekh Xasan Yimar, wuxuu ku dhashay, ku barbaaray, diintana ku soo bartay gobolka Koonfurta Wallo, gaar ahaan degmada Warra-iilu.

Inta badanna gobolka Wallo ee dalka Itoobiya, marka la soo hadal qaado gobolkaas, qof kasta oo garanaya waxa ugu horreeya ee maskaxdiisa ku soo dhaceyso waa in si ixtiraam iyo jaceyl ku dheehan tahay ay u wada nool yihiin dadyowga diimo kala duwan aaminsan ee halkaas ku nool.

Wuxuu gobolkaas caan ku yahay lammaanayaasha diimaha kala duwan kala haysta inay isguursadaan.

Haddii aad aragto qof ku nool gobolka Wallo oo nabi ammaan (xadra) dhageysanayo, way adag tahay in aad diintiisa horay ka garato, maadaamaa shacabka gobolladaasi deggan ay xadrooyiinka nabi amaanka ah dhageystaan diintey doonaanba ha haystaane, iyaga oo arrintaa u sameynaya in qofba qofka kale diintiisa si uu u ixtiraamo.

Waxaa gobolkaas lagu arkayaa dad masiixiyiin ah oo Masaajid dhisay iyo dad Muslim ah oo Kaniisad dhisay.

Gobolka Wallo wuxuu caan ku yahay culimo Muslimiin ah oo aad u waaweyn, oo qaarkood caan ka yihiin Itoobiya sida Gudddoomiyaha Golaha Culimada Islaamka Itoobiya, Xaaji Mufti Cumar Idiris, Sheekh Xuseen Jibriil iyo Sheekha Xadrooyinka (nabi amaanka) caanka ku ah ee Seekh Maxamed Xamzaa.

Sheekh Xasan wuxuu caan ku yahay in xilliyada ay kaniisadda ka dhaceyso dabbaaldagyada diimeed ee sannadlaha ah, inuu cunno iyo cabbitaan uu geeyo.

Dadka Kirishtaanka ee Kaniisaddaasi ku cibaadeysta, inta ay kaniisadda gaarin, waxay marka hore soo siyaartaan oo soo salaamaan Sheekh Xasan.

“Sheekha oo ku sigtay in la dilo”

Sheekha howsha uu kaniisadda ka wado waxaa ka dhalatay hadal hayn aad u weyn. Halka ay dad badan taageeraan qaar kalena waa ay ka soo horjeesteen, iyaga oo aaminsan in ficilkaas uu ka horimanayo shareecada islaamka.

Dadka deegaanka waxay sheegeen din adka ficilka Sheekha ka soo horjeeday ay ilaa iyo seddex jeer isku dayeen inay dilaan balse uu ka badbaaday. Sababta ay u dilayaanna ay ku sheegeen in uu ku dhaqaaqay ficil diintiisi ka hor imanayo.

Xayeeysiin

Dadka ka soo horjeedana waxaa ka mid ahaa qoyskiisa iyo carruurtiisa inkasta oo ay marki dambe ay fahmeen howlaha u wadayna ay garb ku siiyeen.

Howlaha Sheekh Xasan Yimar uu kaniisadda ka qabtay waxaa laga qoray buugaag uu ka mid yahay buug uu qoray Kabar Getachew oo uu ugu magacdaray ‘Warra-iilu iyo muuqaalka Itoobiya’.

Waxaana Sheekha laga hor istaagay in uu ka mid noqdo Ururrada iskaashiga ee ay Muslimiinta leeyihiin.

Balse Sheekh Xasan handadaadda, iskudayga dil iyo dadka sida weyn uga soo horjeestay, intaba kama hor istaagin howshii uu kaniisadda ka qabanayey.

“Aabbahey iyada oo Muslimiin badan ay ficilkiisa ka soo horjeedaan hadda uma joojin oo wuxuu ku guuleystay inuu kaniisadda dib u dhiso,” ayuu yiri Maxamed oo ah wiil uu Sheekhu dhalay oo 35 sano jir ah.

Sheekh Xasan Yimar oo ah Sheekha Kaniisadda badbaadiyey isla-markaana dib u dayactiray, waxaa uu geeriyooday sannadki hore iyada oo ay da’diisu ahayd 96 sano. Sheekh Xasan wuxuu dhalay 7 caruur ah.

Kaniisadda Weybila Maaryaam

Kaniisadda Webilaa Maaryaam
Qoraalka sawirka,Kaniisadda uu sheekhu badbaadiyey

Kaniisadda Weybila-Maaryaam, waxay ku taalla xaafadda 6-aad ee degmada Warra-iilu, waddada halbowlaha ee degmadaas, waxay u jirtaa 6km oo keli ah.

Kaniisadda Weybila-Maaryaam, waxaa la sheegaa in la dhisay sannadkii 1484 ee milaadiga. Waxaana la sheegay in kaniisaddaasi ay burburtay xilligi uu Axmed Gurey qabsanayey dalka Itoobiya.

Kaniisadda Sheekh Xasan Yimar uu dhisay oo dhisamaheeda la soo gabagabeeyey laba sano ka hor, waxaa xarigga laga jaray 29-ka May 2019.

Maalinta la qabanayey xafladda Kaniisadda lagu furayey, Sheekh Xasan waxay dadka diinta Masiixiyiinta ee kaniisaddaasi ku cibaadeysanaya ay guddoonsiiyeen hadiyado kala duwan.

Leave a Reply