Sheekh Shaakir iyo macalin maxamuud oo dib ugu laabanaya qaybo ka mid ah Galmudug !!

Saturday ” 11″ September ” 2021 Galmudug

Sheekh Shaakir iyo macalin maxamuud ayaa bilaabay in ay dib ugu laabanaya qaybo ka mid ah Galmudug ka dib markii dagaal looga saaray dhuusamareeb

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa maanta gaaray Madaxii Xukuumadii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug islamrkaana qeyb ka ahaa hoggaamiyaashii Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud ayaa ka maqnaa Guriceel muddo dhan tan iyo bishii March 2020, kadib dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamo aad u hubeysan oo ay dowladda Soomaaliya geesay magaalada Dhuusamareeb iyo kuwii Ahlu-Sunna.

Dhankiisa Macallin Maxamuud, hogaamiyaha guud ee Ahlu Sunna ayaa la sheegay in dhawaan uu gaari doono Magaalada Gaalkacyo.

Sababta rasmiga ah ee imaanshaha masuuliyiintaan Galmudug lama ogo, iyadoo dowlad Goboleedkaasi ay qabatay doorashada kuraasta aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ay u harsan tahay tii Aqalka Hoose.

Ciidamada Xoogga iyo Kuwa Darwiishta Galmudug oo isku dhinac ah ayaa dagaal xoog leh kula jira Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugan deegaano ka tirsan koofurta Gobolka Mudug壯陽藥 >

Leave a Reply