Sheekh Shariif iyo Danjiraha talyaaniga Ambassador Alberto oo kulan albaabadu xiran yihiin yeesha

29″ March ” 2022″ Muqdisho

Magaalada Muqdisho, waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed iyo Safiirka dowladda Talyaaniga Danjire Alberto Vecchi, kaas oo ay ka wada hadleen marxaladda uu dalka ku jiro ee kala guurka ah.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xafiiska uu maanta ku booqday Safiirka dowladda Talyaaniga Danjire Alberto Vecchi, isagoo xusay in uu kala hadlay marxaladda uu dalka ku jiro sida: Xaaladda Amniga ee dalka, Dedajinta doorashooyinka iyo Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa Safiirka ugu mahadceliyay kaalinta dowladda Talyaaniga ka qaadanayso dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.