21″ April ” 2021″ MUQDISHO-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa caawa u guuray waqooyiga Muqdisho, iyadoo qorshahan uu qeyb ka yahay tallaabooyin Musharaxiinta kula wareegayaan xaafadaha Muqdisho
Sida wararku sheegayaan Sheekh Shariif ayaa degay guri ku yaalla degmada Cabdicasiis oo aan sidaa uga fogeyn halkii uu dhowr cisho ka hor uu degay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Midowga Musharaxiinta ayaa maalmihii u dambeeyay waday qorshayaal ay uga guurayaan agagaarka garoonka diyaaradaha oo ay ka degenaayeen guryo isugu dhow, iyadoo loo arkayay in dhaq dhaqaaqooda aanu xooganeyn mar haddii ay dhexda uga jidaan baro koontarool ay maamulaan ciidanka dowladda.
Qorshahan ayaa la sheegay inuu jawaab u yahay muddo kororsiga labada sano ee Farmaajo iyo in Musharaxiinta ka bilaabaan Xaafadaha Muqdisho dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Musharax Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur ay degaan xaafado ka tirsan degmooyinka Koofurta Muqdisho.
Tan iyo markii uu Jeneraal Saadaq John uu degay xaafada Shirkole waxaa soo xoogeysanayay dhaq dhaqaaqyada iyo abaabulada ciidan ee magaalada ka jira, waxaana ay u muuqataa in Madaxtooyada Villa Somalia ay wajaheyso culeysyo ciidan oo saddex geesood