Sheekh Shariif “Waa nasiib daro weyn in Hay”addii loo igmaday Amniga Qaranka dalks inay dacaayad u sameyso kooxaha argagixisada”

5″ April “2022” Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay kaga hadlay digniin ay soo saartay Hay’ad壯陽藥 da NISA , hay’adda ayaa digniintaas ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sharif Sheikh Axmed, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay ayaan darro aad uweyn tahay in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka.

“Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran.” Ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Sheekh Shariif.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ayaa Ra’iisal wasaare Rooble iyo Golahiisa wasiiradda ugu baaqay in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidaas daraadeed waxaan ugu baaqayaa Raysul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda  in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka.” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.