Yaa Dili-Rabay Sheekh Soomow Oo Galabta ka badbaaday Qarax loo Dhigay ?

Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa galabta ka badbaaday isku day dil, kadib markii loo dhigay Qarax Miino, balse fashilmay oo aan qarxin.

Sheekh Soomow ayaa u socday guriga Hooyadiis oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, waxaana jidka loo dhigay Miino nooca soo boodada ah, balse Allaah ayaa fashiliyey.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa faniinay taleefan yar oo miinada laga qarxiyo, sidaas ayuu ku fashilmay qaraxii.

Ilo wareedyo ka ag dhow Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga uu Shiiqu watay uu ahaa gaari nooca aysan xabaddu karin oo Buruuf ah.

Sheekh Soomow iyo ilaaladiisa oo bad-qaba ayaa ka gudbay goobtii uu qaraxu yaallay, waxaana halkaas ku baxay ciidamada ammaanka ee degmada Yaaqshiid.

Shaki badan ayaa jira, waxaana kala shakigaan uu saameeyey wasaaradda diinta oo Sheekh Soomow uu ka tirsan yahay.

Kiis kale ayaa xalay dhacay kadib markii gaari lagu hor jaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, waxaana loo diiday in uu kasoo galo isgoysyada Siinaay, Darjiinka iyo Sanca, kadibna gaarigiisa ayaa lagu hor jaray gaari kale.

Culumadaan ayaa ka tirsan dariiqada Suufiyada ee Ahlusunna, waxaana jirta tabasho ay ka qabaan wasaaradda diinta oo ay maamulaan Wasiir iyo Agaasime lagu xagliyo inay lasoo shaqeeyeen Al-Shabaab.