20″ March ” 2021
Madaxa Guud ee Labada Masjid ee Xaramaynka, Sheekh C/raxmaan Bin C/Casiis Bin C/llaahi Bin Maxamed Al-sudeysi ayaa shaaca ka qaaday in Tallaalka COVID 19 ee maalmaha bisha Ramadaan la isku duro uusan qofka Sooman ka jebin karin Soonkiisa.

Sheekh Al-sudeysi oo Madax Guud ka ah Labada Masjid ee Xaramaynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiinatul-munawara waxa uu tilmaamay inaan Tallaalka ka-hortaga Fayriska Corono loo tixgelinin inuu ka mid yahay waxyaabaha soonka buriya inta lagu guda-jiro gudasha waajibaadka bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Hadalka Sheekh Sudeys waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay dadka Muslimiinta is-weydiinayaan in COVID 19 la is-talaali karo maalmaha Bisha Ramadaan, maadaama ay ka welwelsan yihiin inuu Soonka kaga buri karo Tallaalka maalintii ee COVID-19.
Tallaalka looga hortegayo Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa lasoo gaarsiiyay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana tallaalka Cudurka qaatay oo lagu bilaabay Farmaajo iyo bahda Caafimaadka iyo dad kale.
