DOHA — September “25” 2022
Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo ka mid ahaa culimada ugu caansan Islaamka, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 96 jir ah, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay bartiisa rasmiga ah ee twitter-ka.
Sheekh Yuusuf al-Qaradawi, oo u dhashay dalka Masar, islamarkaana ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa sanadihii dambe waxa uu fadhiggiisu ahaa dalka Qatar.
Sheekha ayaa aad u dhaliili jiray madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi.
Al-Qaradawi ayaa dibad-joog ahaan ugu noolaa dalka Qatar wixii ka dambeeyey markii militariga Masar ee uu hoggaaminayey al-Sisi ay afgambiyeen dowladdii ay hoggaaminayeen Ikhwaanul Muslimiinka.
Al-Qaradawi ayaa waxaa la maxkamadeeyey oo xukun lagu riday isaga oo ka maqan Masar.
Waxa uu barnaamij caan ah ka qaban jiray taleefishinka Al-Jazeera isaga oo ka hadli jiray arrimo siyaasadeed oo muran badan.
Waxa uu taageeray weerarada ismiidaaminta Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israel, wuxuuna sidoo kale taageero u muujiyey kacdoonkii Ciraaq ka qarxay m壯陽藥 arkii Mareykanka ay duulaan ku qabsadeen 2003.
Hase yeeshee waxa uu sidoo kale taageeray markii ururka Ikhwaanul Muslimiin ay ka qeyb-galeen doorashooyinkii Dimoqraadiga ee Masar ka dhacay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Xosni Mubarak.
Al-Qardaawi wuxuu aad u dhaliili jiray kooxaha xagjiriinta ah, sida kooxda Daacish.
Dalalka Baxreyn, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa Al-Qaradawi ku daray liiska ururada iyo shaqsiyaadka argagixisada ee 2017-kii ay dartood xiriirka ugu jareen Qatar. Qatar waa ay beenisay eedaymahaas.
AP