Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed oo maanta kulan la qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo dhaqanka bulshada reer HirShabeele
Madaxwayne Shariif oo safarro nabadeed labo jeer Jowhar ku tagay muddo toddobaad ah ayaa maanta kulan la qaatay siyaasiyiin uu ugu horreeyay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Md Cali Guudlaawe, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee HirShabelle Md Maxamed Cali Caadle, Taliyihi hore ee Nabad sugidda Qaranka Md Sanbaloolshe, waxgaradka, duubabka iyo dhaqanka deegaannada HirShabelle.
Shirka ayaa waxgaradki iyo siyaasiyiinti kasoo qaybgalay waxay Madaxweyne Shariif iyo guud ahaan Madasha Xisbiyada Qaran uga mahad celiyeen dadaalka ay ugu jiraan dhismaha HirShabellada labaad oo la isla ogolyahay
Xayeeysiin”