Sheikh Shaakir oo Markii Ugu Horreysay Warbaahinta La Hadlay Tan Iyo Markii Guriceel Lagala Wareegay iyo Amisom oo beenisay inay ku lug laheyd dagaalka Guriceel

28″ Thursday “October” 2021

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan hoggaamiyaha Ahlu-Sunna ayaa tan iyo markii lag saaray magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud waxaa markii ugu horreysay uu ka hadlay sababaha ay uga bexeen Magalaadaasi.

Sheikh Shaakir oo Wareysi bixiyay ayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu ku eedeeyay in ay weerar ku qaadday Guriceel, isagoo intaa ku daray in ay Ciidan farabadan ku daabushay Magaaladaasi.

Waxaa uu sheegay sababta ay uga baxeen Guriceel in ay tahay Codsi kaga yimid ganacsatada Magaalada, Culimada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolkaasi.

Waraysiga oo uu dhinacyo badan kaga hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Dowaldda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kula dagaalaantay Ahlu-Sunna hubkii loogu talagay in Al-shabaab lagula dagaalamo.

Hadalka Sheikh Shaakir ayaa imaanaya iyadoo maalin ka har xoogagga Ahulu-Sunna laga saaray magaalada Guriceel, kadib dagaal lagu riiqmay oo afar maalin socday, kaasi oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay.

Amisom oo beenisay inay ku lug laheyd dagaalka Guriceel

犀利士 ass=”aligncenter size-full”>

Madaxda howlgalka Amisom ee Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga warwareen markii ay maqleen eedo uga yimid Ahlu Sunna Waljamaca oo ahaa in Ciidamada Amisom ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii afarta maalmood magaalada Guriceel ay kula galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

“Eadahan waa kuwo been abuur ah, halis ah oo si cad loola jeedo in lagu xumeeyo xiriirka AMISOM iyo Bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay AMISOM.

Qoraalka ayaa lagu yiri “howgalka Amisom ee isugu jira midka militariga iyo taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya waxaa haga qaraarada Golaha Nabadgelyada ee Midowga Africa iyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.”

Amisom ayaa sheegtay in mabaadii’da ugu weyn ee hagaya howlgalkeeda ay ka mid yihiin wiiqidda Al-Shabaab iyo argagixisada iyo in dowladda Soomaaliya ay ku taageerto sugidda amaanka iyo sidoo loo soo celinta xasiloonida dalka.

Amisom waxay ku sheegtay qoraalkeeda in tan iyo markii uu qarxay dagaalka Guriceel ay AMISOM qeyb ka aheyd baaqyada loo jiidinayay dhinacyada inay ku xaliyaan kala aragti duwanaanshiyahooda wada-hadal iyo si xasillan.

Leave a Reply