Shiikh Sharii. Iyo Wasiirka A/Dibadda Finland oo kulan Yeeshay

MUQDISHO” RADIODALSAN

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa kulan dhinaca qadka telefoonka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto, iyagoo ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

Qoraal uu soo saaray ayuu Sheekh Shariif ku sheegay in isaga iyo Wasiir Pekka Haavisto ay kulankooda uga wada hadleen Arrimo ay kamid ahaayeen xaaladda guud ee Soomaaliya sigaar ah arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa inta uu socday kulankooda qadka telefoonka ah isla soo hadal qaaday wadahadallada dowladda Federaalka Somalia iyo Somaliland iyo qatarta caafimaad ee Covid-19.

“Waxaan qadka kuwada hadalnay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto, oo aan ka isla soo qaadney xaaladda guud ee Soomaaliya. Si gaar ah waxaan uga hadalnay arrimaha doorashooyinka, Amniga, wadahadallada Somaliland iyo qatarta caafimaad ee Covid-19” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa uga mahadceliyay doorka taageero ee dowladda Finland ay Soomaaliya la garab taagantahay

Leave a Reply