1″May”2022″ Jowhar
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, ka dib Doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.
Shiikh Shariif ayaa ku guulleystay Kursiga Hop-146, ka dib markii uu tanaasulay musharixii kale ee Shariif Abuukar Axmed, sida ay sheegeen G壯陽藥 uddiga Hirgelinta Doorashooyinka Hirshabeelle.
Shiikh Shariif oo hadal kooban ka jeediyay Goobta Doorashada ayaa u mahad celiyay Ergada Dooratay, isaga oo ballan qaaday in uu si caddaalad ah ugu shaqeyn doono.
Shariif waa musharax u taagan Xilka Madaxweynaha, waxaana kursigaan Hop-146 ee ku soo baxay hore ugu fadhiyay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur.