28″ February “2023
Baarlamaanka Yurub ayaa ka mamnuucay barnaamijka TikTok-ga-gaaban ee wadaaga fiidiyoowga taleefannada shaqaalaha sababo ammni dartood sarkaal EU ah ayaa sidaas leh Iyadoo Beijing ay si joogto ah u beenineeyso inay wax gaar ah ka damacsan tahay Isticmaalka Appka video-yada gaaban
<壯陽藥 !– /wp:paragraph –>Reuters ayaa warisay in sarkaal ka tirsan Midowga Yurub uu sheegay Talaadadii, machadyadii ugu dambeeyay ee EU-da ee sameeya u hogaansanaanta Mamnuucista Appka TikTok.
Mamnuucidda ayaa sidoo kale lagu dabaqi doonaa aaladaha gaarka ah ee email-ka baarlamaanka iyo shabakadaha kale ee lagu rakibay, sarkaalku wuxuu sheegay in go’aanka la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu ku takri falay awoodda dowladda si uu u caburiyo shirkadaha shisheeye.
“Waxaan si adag uga soo horjeednaa falalkaas qaldkan,” Mao Ning ayaa u sheegtay warfidiyeenada intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ugu qabtay Talaadadii
TikTok ayaa wajahaysa eedeymo ah in ay aruuriso xogta dadka isticmaala bartaas ayna la wadaagto dowladda Shiinaha, iyadoo qaar ka mid ah hay’adaha sirdoonka ay ka walaacsan yihiin in macluumaadka xasaasiga ah la soo bandhigo marka app-ka lagu soo dejiyo aaladaha dowladda.
Beijing waxay si joogto ah u diidday inay wax gaar ah ka damacsan tahay Isticmaalka TikTok iyadoo Mamnuucistu ay hoosta ka xarriiqday walaac isa soo taraya oo laga qabo shirkadda ay leedahay Shiinaha ee ByteDance oo TikTok Iska leh In dawladda Shiinaha ay u isticmaali karto app-keeda si ay u goosato xogta isticmaaleyaasha ama dano sirdoon