Shiinaha, Uganda ayaa diiday ammaahda -Entebbe airport wararka xanta ah ee la la wareegayo

Kampala:” 30, 2021″ https://www.ndtv.com/

Hay’adda duulista hawada ee Uganda ayaa sheegtay in Entebbe airport uu yahay hanti qaran oon sahlaneeyn in lagu wareejiyo (Wakiil) hay,add shisheeye

Diidmadan ayaa daba socotay warbixin uu wargeyska Daily Monitor todobaadkii hore qoray oo sheegaya in Uganda ay iska dhiibi karto garoonka caalamiga ah ee Entebbe haddii ay ku guuldareysato deyn 2015 ka timid Beijing si ay u ballaariso oo ay u cusboonaysiiso garoonka

Shiinaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay suurta gal tahay in ay la wareegaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Uganda, haddii xukuumadda Kampala ay bixin weyso 200 oo milyan oo dollar oo dayn ah oo ay ka heshay Beijing.

“Eedaynta xaasidnimada ah…ma laha wax xaqiiqo ah oo salka ku haya, waana mid xanuunsan oo loogu talagalay in lagu xumeeyo xidhiidhka wanaagsan ee Shiinaha uu la leeyahay dalalka soo koraya oo ay ku jirto Uganda,” ayuu yiri afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Kampala gelinkii dambe ee Axaddii.

Diidmadan ayaa daba socotay warbixin uu wargeyska Daily Monitor todobaadkii hore qoray oo sheegaya in Uganda ay iska dhiibi karto garoonka caalamiga ah ee Entebbe haddii ay ku guuldareysato deyn 2015 ka timid Beijing si ay u ballaariso oo ay u cusboonaysiiso xarunta.

Warbixintu waxa ay buuq ka dhalisay dalka Uganda, waxaana baraha bulshada si weyn loogu faafiyey sawirka calanka Shiinaha oo ka dul babanaya garoonka iyo mid kale oo sita boor lagu qoslo oo ay ku qoran tahay “Ku soo dhawoow Shiinaha Entebbe International Airport”.

“Ma jiro hal mashruuc oo Afrika ka socda oo uu Shiinuhu la wareegay, sababtoo ah waxay bixin waayeen deymaha Shiinaha,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda.

Hay’adda duulista rayidka ee Uganda ayaa sidoo kale beenisay warkaas, waxayna sheegtay in dowladdu aysan sidaas oo kale isu dhiibi karin hanti qaran.

“Hore ayaanu u sheegnay oo ku celinaynaa inaanay dhicin, mana dhacayso,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed dabayaaqadii todobaadkii hore soo baxay.

Shaqada ku saabsan balaadhinta Entebbe ee ay leedahay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Shiinaha e壯陽藥 e ay dawladdu leedahay ayaa bilaabmay March 2016. Mashruuca waxa la filayaa in la dhammeeyo dhammaadka 2022.

Beijing ayaa horay loogu dhaleeceeyay inay deymo badan siiso dalalka saboolka ah iyadoo aan la eegin awooddooda ay ku bixinayaan, waxaana deymaha faraha badan ee ay siiso dowladaha Afrikaanka ah ee lacagta caddaanka ah ay sii kordhisay walaaca laga qabo dabinada deynta.

Leave a Reply