Shiiq Aadan Maoobe oo Lafta gareen kula heshiiyay in shirka dib u heshiisiinta la qabto asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

17″ December “2022

1- In dhamaan  qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka Al-shabaab oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

2- In la xoojiyo  xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiiji壯陽藥 yo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa walaac ka muujiyay muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo muddo xileedkiisu ay ka harsantahay maalmo kooban.

Xildhibaanada maamulkaas, ayaa sanado ka hor muddo kordhin u sameeyay Madaxweynaha, si la isku waafajiyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha, ha yeeshee xildhibaanada qaarkood ayaa ku doodaya in arrintaas aysan sharciga waafaqsanayn.

Warqadda aanu soo saarneyn waxay xambaarsan tahay walaaca xaaladda siyaasadeed iyo midd doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed oo wakhtigan xaadirka ah aad u kacsan maadama Madaxweynaha xilka kasii degayo uu muddo xileedkiisa maalmo yar uga harsan yihiin”.

Wuxuu ku baaqay in doorashada xilligeedii lagu qabto isla markaana aysan raalli ka heyn wax muddo kororsi ah, Dhawaan ayey aheyd markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu ku baaqay Shir dib u heshiisiin ah oo la isugu yeeray siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

Leave a Reply