Madaxweyniii hore we Somalia Sharif shiiq axmed ayaa ka qaybgalay kulan habka fogaan aragga lagu qabtay oo ay soo qaban-qaabiyeen Machadka Maraykanka ee ka hortagga argagixisada ee ACTRI. Sida uu ku qoray bartiisa
Kulan kan ayaa looga hadalay arrimaha amniga Soomaaliya iyo xaaladaha la xiriira, anigoo warbixin kasiiyay marxaladda adag ee maanta Soomaaliya ka jirta iyo khatarta kooxaha argagixisada ee dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.
Isagoo ka warbixiyay sida looga gaabiyay arrinkaas oo dowladda maanta jrta ee waqtigeedu dhammaadka yahay aaney xil gaar ah iskasaarin ka takhaluska, ciribtirka iyo ladagaalanka argagixisada.
Waa nasiib darro iyo qalbi jab in dowladdu aaney lahayn mudadii ay joogtay qorahe siyaasadeed amni oo damaanad siinaya muwaadiniinta, islamarkaana sahlaya in sidhab ah looga hortago argagixisada, ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga himilo qaran Anna madaxweynihii hore ee Sharif shiiq axmed