Kulan ku saabsan dardrgalinta dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo Kampala la furmay

25″ April “2023” Kampala”

Shir looga hadlayo dardar gelinta wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasoo horudhac u ah shir madaxeedka madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa iskugu yimid dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaal壯陽藥 iya, kuwaasi oo uga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo sidii looga xoreyn lahaa guud ahaan dalkeenna.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Uganda, kaasi oo lagu wado inay ka qeyb galaan madaxweynayaasha dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howl-galka ATMIS, kuwaas oo kala ah Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkan maanta ka furmay Kampala ayaa looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro Al-Shabaab oo lagu wado in dhawaan laga sifeeyo dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan warbixin looga dhageystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa ka marqaati kacay horumarka ballaaran ee laga sameeyay howl-galadda ka socda dalka, kuwaasi oo ay iska kaashanayeen wejiga koowaad ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Horay madaxdaan ayaa ugu kulmay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan dalalka dariska oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore, waxayna soo saareen go’aano ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu iclaamiyay dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan taageero ka raadinayo dalalka gobolka iyo kuwa caalamka si loo adkaado kooxda.