11″ September “2022
Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Shirkaan ayaa waxaa ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyada oo looga hadli doono arrimaha Amniga, dhaqaalaha, Abaaraha dalka ka jira iyo wada shaqeynta maamulada iyo dowladda Federaalka.
Madaxweyneyaasha Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, halka la filayo in uu ku soo biiriyo Hoggaamiyaha Puntland.