
Talaadadi shalay waxaa magaalada Muqdsho lagusoo gabagabeeyay, shirkii 4-aad ee Qurba joogta Soomaalida. Shirka ayaa looga hadlayay kaalinta hor’umarka iyo malagashiga ay qurba joogta ka qaadan karaan dhismaha dhaqaale & dowladnimo ee Soomaaliya.
Waxaa ka qeybgalay xubno badan oo qurba joog ah, waxaana gunaanudkii shirka lagasoo saaray war murtiyeed.