Shir U Dhexeeya Xukuumadda Iyo Musharixiinta oo La Filayo In Uu Goordhow Ka Furmo Muqdisho

February 25″ 2021 MUQDISHO

Waxaa goordhaw si rasmi ah u furmi doona shirka ay yeelanayaan xubnaha Midowga musharxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda ferderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo iyaguna qayb ka ah shirka lagu dhex-dhexaadinayo Xukuumadda iyo Musharixiinta mucaaradka.

Goobta uu shirku ka dhacaya ayaa waxaa hadda ku sugan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ka qayb galaya shirka.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Xasan Sheekh, C/kariin Guuleed, Dahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur ayaa ku sugan Hotelka Decale, iyadoo la sugayo Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta, Shariif Xasan iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre.

Sidoo kale waxaa shirak ku sugan qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta ka socda dhanka kale ee ay ka mid yihiin Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Madaxweynaah Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Waxaana la filayaa in  goordhow uu shirku furmo, waxaana shirkaan looga hadli doonaa sidii la isugu dhaweyn lahaa Musharixiinta iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply