11″ January “2021” MUQDISHO”
Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho Waxaa hadda ka bilaawday shir deg deg ah oo ay iskugu yimaaden golaha Midowga Musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxaana shirka ka qayb galay inta badan Musharixiinta Mucaaradka ah.
Shirka oo goordhaweyd billawday ayaa waxaa looga arrinsanayaa arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo iyo marxaladda kala guurka ah, waxaana si gaar ah looga hadlayaa caqabadaha hortaaggan in ay dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay loona wada siman yahay.
Sidoo kale waxaa shirka dibad joog ah warbaahinta sida wararka qaar sheegayaan, loomaan oggola warbaahinta madaxa bannaan ay goobjoog ka noqdaan, iyadoo shirku uu yahay mid xasaasi ah kaasi oo musharixiinta kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka, kuwaasi oo uu jiro khilaaf ka jira sida loo wajahayo doorashooyinka dalka ka dhici doona.
Dowladda ayaa dhawaan ku dhawaaqday in doorashada ay qabsoomayso, iyadoo wali ay tagan tahay Cabashadii ay qabeen Misharixiinta eek u aaddanayd guddiga ka shaqeynaya doorashada