Shirka Afisyoone oo aan weli furmin iyo caqabadaha hortaagan

22″ March ” 2021″ MUQDISHO” VOA SOMALI

Shirkii uu ku baqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 22-ka bisha Maarso oo ku beegan maanta ayaan weli furmin.

Weriyahaya VOA oo ku sugan goobta shirka ee Afisyoone ayaa soo tebinaya in goobta shirka ay ku sugan yihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Glabeed. Waxaa kale oo goobta ku sugan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xayeeysiin

Hase yeeshee waxaa goobta shirka ka maqan madaxeynayaasha Puntland, Jubaland iyo musharraxiinta madaxweynenimada.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in xubnaha ku jira Madasha Badbaadada Qaran ay ku doodayaan in wax laga qabto saddex qodobo ka hor inta aanu shirku billaaban, kuwaasi oo kala ah in amniga goobta la sugo, in madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada, iyo inay shirka joogaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo, sidaasi waxaa VOA u sheegay ilo wareedyo ka tirsan mucaaradka oo codsaday inaan magacyadooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay la hadlaan warbaahinta.

Dawladda Soomaaliya iyo madaxda maamullada kale ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dalabka Madasha Badbaadada Qaran.

Dhinaca kale madax ka tirsan mamaul goboleedka Puntland ayaa shalay iyaguna muujiyey inay diidan yihiin ajanadaha shirka oo ay sheegeen inuusan dhammaystirnayn.

Beesha caalamka ayaa la sheegayaa inay wadaan dadaal la iskugu keenayo dhinacyada.

DHINACA KALE ” Dowlada federalka oo sheegtay in shirka arrimaha doorashooyinka uu furmay

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id goordhow qabtay ayaa sheegay in shirka uu furmay isla markaana ay dowlada ugu baaqeyso Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay ka soo qeybgalaan shirka maalinta berri oo uu sii socon doono shirka. Wasiirka warfaafinta ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in kulanka maanta uu ahaa mid hordhac ah oo la isku soo dhowaada uuna dhamaaday qeybtii hore ee ajandaha. Shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ahayd inay ka soo qeybgalaan madaxda dowlada federalka,dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaan qabsoomin kadib markii ay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay diideen inay ka soo qeybgalaan kulankan.

Leave a Reply