Shirka amniga caleema saarka M/weynaha Somalia oo Muqdisho ka dhacay

7″ June ” 2022″ Muqdisho”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Caasimada Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya,

Shirkaas oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis taasi oo dhici doonto Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta ugu warbixiyay shirka kadib markii uu soodhamaaday ayaa sheegay in shacabka caasimada laga codsaday in ay dulqaad iyo adkeesi muujiyaan labada maalin ee fooda inagu soo heyso, maadama Caasimada Muqdisho ay ka dhici doonto xaflad aad muhiim ugu ah Dowladnimada, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh. Isla markaana ay dhici karto culeesyo dhanka Amni in laga dareemo Caasimada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in afarta iyo sideeda saacadood (48) ee soo socoto la xiri doono Waddooyinka Magaalada Muqdish壯陽藥 o sababo la xiriira Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, maadama ay kasoo qeyb galayaan wafuud heer caalami ah oo madaxweynayaal leh.

Leave a Reply