Shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho, Maajo 14, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka golaha wadatashiga ee NCC ayaa baaqday bishii ina dhaaftay ee April, in kastoo madaxtooyadu ku sheegtay sababta uu u baaqday arimo farsmo ayaa haddana waxa jiray doodo dhinacyada u dhaxeyeay oo aan xal laga gaarin shirka ka hor.

https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1790363700701855797?t=1犀利士 brAkClojoE5wd0n7M_NZA&s=19

Dhinaca kale waxa shirka qaadacday oo sheegtay in aanayba aqoonsaneyn dawladda federaalka dawlad goboleedka Puntaland oo dhawr jeer oo horena ka baaqsatay ka qaybgalka shirrarka golaha wadatashiga qaranka.

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay ka arrinsanayaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka.