23″ May”2021″ Sunday ” Muqdisho
Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka.
Afhayeenka xukuumada ayaa sheegay in shirka maanta uu ahaa mid ka sii wanaagan kii shalay isla markaana uu jiray isfaham.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in marka uu soo dhammaado shirka ay si wadajir ah warmurtiyeed u soo saari doonaan madaxda Soomaalida.
Shirka oo ka qeyb galeen Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku soo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maalintii labaad galay iyadoo kulanka maanta uu yahay mid albaabada u xiran
Kulanka oo shalay si niyadsami ku bilowday ayaa la filayaa in Madaxda ay guda galaan qodobada qaar ee horay tabashada uga jiray ee la xiriiray hannaanka doorashooyinka.
Xayeeysiin
Arrinta Somaliland ayaa la sheegayaa inuu yahay qodobka ugu adag ee dooddiisa ay hareyn doonto shirka, maadaama mid ka mid ah labada dhinac ee isku haya arrinta Somaliland uusan weli ku qanacsaneyn qodobkii is fahamkii shirkii Baydhabo.
Xalay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulan la yeeshay xubnaha matala Somaliland oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, hase yeeshee waxaa ka maqnaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.
Waxaa soo baxaya dhaliil xubnaha uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi u jeedinayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo ah inuu la safan yahay Mahdi Guuleed, isla markaana uu qabo fikirkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Mahdi Guuleed go’aan ka soo gaaro arrinta Gobolada waqooyi.
Shir looga hadlay dardar-gelinta amniga doorashooyinka
Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir ku yeeshay guddiga amniga doorashooyinka, iyada oo uuna shir guddoomiyay talyaha ciidanka booliiska Janaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.
Shirkaan oo ay ka soo qeyb galleen saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka-sida ee xubinta ka ah guddiga amniga doorashooyinka ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelin howlaha sugida amniga doorashooyinka dalka.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga warbixiyey kulan uu yeeshay Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka dalka.
“Waxa aan maanta guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu yiri Janaraal Cabdi Xijaar.
Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli muddo laba maalin ah uu magaalada Muqdisho shir uga socdo Madaxda dowladda federaalka, dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlayo xallinta khilaafka ka taagan arrimaha doorashoo