MUQDISHO — 3 ” January ” 2022
Magaalada Muqdishu waxaa ka furmay maanta shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qaybgalayaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Shirkan waxaa shir guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaan iyo jaangoynta xilliga lasoo gabagabaynayo, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay baraha bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Shirkan ayaa imanaya iyadoo xili Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku eedeeyay madaxweynihii hore maxamed cabdlaahi犀利士 Farmaajo in uu tahay caqabad hortaagan doorashada doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku gacansayray hadalka kasoo yeeray madaxweynaha, waxaana uu ku eedeeyey inuu tallaabooyinka uu qaaday ay ahaayeen isku day af-gambi.
Doorashada Aqalka Sare ayaa lasoo gabagabeeyey, hase yeeshee waxaa gaabis ku socota tan Golaha Shacabka.