
Magaalada Jabuuti waxaa Arbacada maanta ah lagu soo gabagabeeyay shirka sanadeedka 8-aad ee madasha aragti wadaagga Soomaalida oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas.
Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda ee fadhigiisuyahay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno Soomaali ah.