30″ December “2020 GAROOWE”
CUSBOONEEYSIIN”
Axmed Madoobe “Waxaan Diyaar U Ahay In Aan Sameeyo Wax Kasta Oo Tanaasul Ah
Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Caawa khudbad ka jeediyay Madasha Aragti Wadaagga Heritage ee ka socda Garoowe, isagoo uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrinta Gobolka Gedo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka mar kasta dowladda ay ku daabusho Gobolka Gedo ay ka leedahay danno gaar ah, isla markaana Ciidankaas loogu tala-galay inay dagaal la galaan kuwa Jubbaland ee halkaas ka saaray Al-shabaab.
Arrinta Gedo ayuu Madaxweynaha Jubbaland sheegay in dhowr jeer la isku dayay in xaliyo kahor inta aan heshiiska laga gaarin doorashada dalka, wuxuuna xusay in arrintaas Guddi loo saaray, hayeeshee wax kasta oo lagu doonayay in xaliyo ay fashilmeen.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Madaxda dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka shaqeeyan arrimo aan xiligaan loo joogin, isla markaana ay ja mashquuleen doorashadii lagu heshiiyay ee dalka ka dhaceysa.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha ayuu ku baaqay in heshiis laga gaaro khilaafyada ka taagan doorashada, lana xaliyo wax kasta oo jira, isla markaana waxaa uu cadeeyay inuu diyaar u yahay inuu sameeyo wax kasta oo tanaasul u ah dowladnimadda Soomaaliya.
Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayuu Axmed Madoobe ka hadlay, isagoo xusay in wax badan la siyaasadeeyey, isaguna uusan marnaba ka hadal arrintaas, isla markaana uusan difaacin Kenya, uuna yahay muwaadin Soomaaliyeed.
CUSBOONEEYSIIN
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay inuu bilaabay dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo tabashooyinka la xiriira hannaanka doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa bilowga sanadka 2021.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee ka socda Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, isagoo ka hadlay xaaladda dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada.
Waxaa uu sheegay Qoorqoor in isaga iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ay isku aragti mideysan ka yeesheen sidii ay u xalin lahaayeen khilaafyada iyo tabashooyinka ka jira doorashada dalka, kadib kulankii ku dhexmaray Gaalkacyo,
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in isaga iyo Deni ay ku mashquulsan yihiin sidii loo dhameyn lahaa khilaafyada ka jira doorashada lagu heshiiyay, isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Garoowe.
“Kulankii Gaalkacyo aniga iyo saaxibkey Madaxwyne Saciid Deni, taasoo aan aragti mideysan ka yeellanay inaan u istaagno xalinta khilaafkaas iyo tabashooyinkaas, Waxaa hadda ku mashquulsanahay inaan dhameyno madmadowga ka soo ifbaxay hannaanka doroasho ee lagu heshiiyay, Imaanshaheyga halkaan iyo ka soo qeybgalka shirka in aan kulamo waxku ool la yeesho madaxda dowlad goboleedyada
CUSBOONEESIIN” 5 06 PM
Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni daahfuray Shirka Madasha Aragti wadaagga ee Machadka Heritage, kaasi oo ka socda magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Doodda shirka sanadka ayaa ku qotonta “sidee looga bixikaraa ku-meelgaar-nimada daba-dheeraatay sanadka 20205″.
Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in Madaxda Soomaaliyeed ay kulmaan, islamarkaana ay wadahadlaan,isaga oo rajo ka muujiyay shirka iyo kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Siyaaasiyiinta kala aragtida duwan ee shirka ka qeyb-galeysa.
Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shirkan uu ku aaday xili muhiim ah oo loo baahnaa, islamarkaana ay falanqeyn doonaan arrimaha doorashooyinka iyo marxalada kala guurka ah uu xiligan marayo dalka.
Shirka waxaa qayb ka ah Madax ka socota DFS, Madaxweynayaal hore ee Soomaaliya iyo Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwo ka tirsan Dowladdaha Xubnaha ka ah, masuuliyiin ka socda bulshada rayidka ah, culimo, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Madasha Heritage sanadkan, waxaa looga doodi doonaa Xasilinta Dalķa, dhameystirka Dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida Nidaam federaal Ah.
30″ December “2020 4:30PM
Waxaa goordhow ka furmay magaalada Garowe Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee ay soo qaban qaabisay Machadka Heritage, Madashan oo sanadkiiba la qabto ayaa markii u horeysay sanadkan 2020 lagu qabanaa gudaha Soomaaliya, halka sanadihii u dambeeyay lagu qaban jiray dalka Jabuuti.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Guddoonka Labada Aqal, Midowga Musharaixinta iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in madashan ay ku soo aaday marxalad loo baahnaa in la isku yimaado, isagoo u rajjeeyay shirka inuu ka soo baxo mira dhal wanaagsan.
Waxaa shirka la filayaa inta khudbadaha socdaan ay bar bar socdaan Dood cilmiyeedyo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka, sida Amniga, Siyaasadda, Dib u eegista Dastuurka iyo sida Soomaaliya uga bixi karto marxalada kumeel gaarnimada daba dheeraatay, si dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod sanadka 2025.