22″ May”2021″ Saturday ” Muqdisho
Shirkii Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa maalintii koowaad soo gaba-gaboobay.
Shirka Wadatashiga furmay ayaa waxaa looga hadlay sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo heshiis aan laga gaarin.
Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Shirka maalintiisii koowaad kusoo gaba-gaboobay Jawi is-faham ah, isla markaana Madaxda si wanaagsan u doodeen.
Waxaa uu sheegay in inta uu socday Shirka lagu gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.
Sidoo kale Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa tilmaamay in Madaxda ay dib isugu soo laaban doonaan maalinta berri oo la sii amba qaadi doono qodobada u baahan in xal laga gaaro, si loo qabto doorasho loo wada dhan yahay.
Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ayaa ka duwanaa shirarkii hore ee looga hadlaayay doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxaana Shirka furitaankiisa ka maqnaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamulka Doorashada wareejiya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirka oo ka furmay Teendhada Afisyooni waxaa sidoo kale ka qeybgalaya madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.
Waxaa shirka looga hadlayaa dhammeystirka Heshiiskii 17 Sep iyo xallinta khilaafka ka taagan arrimaha doorashada oo aan weli heshiis laga gaarin