21″ June “2022” Adisababa” SONNA”

Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dawladnimada Geeska Afrika oo maalintii shalay ka furmay caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa maanta lasoo geba-gabeeyey, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed dhinacyo badan taabanaya, kaasi oo ay si wada jir ah ugu heshiiyeen dalalka Geeska Afrika ee shirka ka qayb galay oo ay ka mid tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.



Wafdiga Dawladda Federaalka Soomaaliya ee shirka ka qayb galay ee uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Pekos ayaa madashan ka sheegay inay fulin doonaan, kuna dhaqmi doonaan heshiiska wada jirka ah ee shirka kasoo baxay.



Waa markii ugu horraysay oo Addis Ababa lagu qabto shirkan, waxaana la rajaynayaa in War-murtiyeedka kasoo baxay shirka oo u hiilinaya horumarka wadamada Geeska Afrika uu noqdo mid ay fulintiisa si wada jir isaga kaashadaan dalalka Geeska Afrika.


