Sii Hayaha Xukuumada & Midowga Musharaxiinta Ayaa Isku Afgartay Qodobo Shirka Ay Ku Leeyihiin Hoteelka Decale

February ” 25″ 2021″ MUQDUSHO” CUSBOONEEYSIIN

Shirka u socda Ra’iisul Wasaaraha, Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa la sheegay in heshiis hordhac laga gaaray qeybo ka mid ah ajandayaasha shirka,

Sida ay xaqiijinayaan ilo ku dhow dhow kulankan Xukuumadda ayaa ka dalbatay musharaxiinta in bannaanbaxa berri 26 February la qorsheeyay in dib loo dhigo, si loogu diyaar garoobo sugida amniga iyo sidii loo qaban lahaa bannaan bax si nabadgelyo ku dhaca.

Sidoo kale Xukuumadda waxay aqbashay in Guddi baaritaan u saarto wixii dhacay 19 Febraayo, ayna shaaciso inay ka xuntahay dhibaatadii dhacday oo ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Shirka Sii,hayaha Xukuumadda Iyo Musharixiinta oo Ka Furmay Muqdisho” CUSBOONEEYSIIN

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kulan kula leh magaalada Muqdisho xubnaha Midowga Murashaxiinta waxayna ka wadahadlayaan arrimaha doorashooyinka, Kulanka waxaa kale oo ka qeybgalay; madaxweyniyaasha Galmudug, Hirshabeele iyo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka labada aqal oo aan markii bore kulanka qayb ka ahayn

Beesha Caalamka oo Ra’iisul Wasaaraha ku dhiirageliyay inuu qaato kaalintiida hoggaamineed

CUSBOONEEYSIIN”

kulan Ayaa yimid saacado ka dib markii beesha caalamka oo dhiirigalinaysa raysilwasaare rooble ay Ku baaqday in uu rooble qaato kaalin hogaamineed.

Wakiilada Beesha Caalamka ee uu hoggaaminayay James Swan oo shalay shir la qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay arrinta is mari waaga doorashada, iyagoo siiyay tallooyin iyo dhiira gelin, sidii uu kaalin uga qaadan lahaa xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalka, Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Amb. James Swan,

Safiirada Midowga Yurub, Talyaaniga iyo Sweden oo kulanka qeyb ka ahaa ay kula taliyeen Ra’iisul Wasaaraha inuu kaalin hoggaamineed ka qaato wada hadalada doorashada, Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa u sheegay Mr Rooble inay ku taageereynaa, kuna garab taagan yihiin haddii uu qaato hoggaanka xalka is mari waaga doorashada, maadaama Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ku kalsooneyn dhinacyada siyaasadda.”Waxaa kaloo Ra’iisul Wasaare Rooble lagula taliyay inuu Musharaxiinta fadhigooda yahay Jazeera inuu qanciyo, maadaama ay ku deegaan yihiin, isla markaana uu baadigoob u galo sidii ula fariisan lahaa”Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas kaddib u sheegay Wakiilada inuu qaadan doono doorkiisa, balse uu Madaxweynaha ay iska arki doonaan” Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in Ra’iisul Wasaaraha uu luminayo fursad weyn oo uu sumcad iyo taariikh ku reebi karo, haddii uu kaalintiisa qaado, maadaama aanu aheyn Musharax aheyn, sidaas darteed dhinacyada is haya u noqon karo mid dhex dhexaad ah, waa haddii uu qaato door hoggaamineed uu ku maareeyo xilliga kala guurka ah.

wixii faahfaahin ka soo baxa waan idinla socod siin doonaa

Leave a Reply