February ” 3″ 2021″
Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa goordhow ka furmay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo shirka uu ka dib dhacay waqtigii u qorsheeyay Madaxweyne Farmaajo oo ahaa 1-3 February.

Madaxda ka qeybgalaysa shirkan ayaa ku kala aragti duwan ajandaha shirka iyadoo hore shirar kala duwan laga soo saaray heshiis ay adkaatay fulintiisa.

Shirkan oo laga yaabo inuu socdo muddo saddex cisho ah ayaa laga yaabaa in dib u dhac ku yimaado ballantii Madaxweyne Farmaajo ee Baarlamaanka labada Aqal inuu khudbad u jeedin doono 5 bisha February oo ku beegan maalinta jimcaha.
