Qodobada lagu heshiiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee muqdisho oo khamiista oo lagu wado in la saxiixo

25″ May ” 2021″ Tuesday” Muqdisho

CUSBOONEEYSIIN

Dowladda: “Heshiis ayaa laga gaaray doorashada Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa khudbad uu galabta u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in “heshiis laga gaaray” arrimaha la isku hayay ee doorashada.

Wasiirka ayaa sheegay in “mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa,” iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa xeradii ciidanka cirka ee Afisyooni.

Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, iyadoo lagu wado in shirka la soo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan.

Xayeeysiin

CUSBOONEEYSIIN

Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo galay maalintii afraad, waxaana uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiya gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan marka la eego in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka

“Ra’iisul wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” ayuu yiri Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Ibraahim Macallimuu.

Shirkan oo bilowday Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayaa looga hadlay qodobo muddo dheer soo jiitamayay in heshiis laga gaaro waxaana haatan muuqata in shirka lagu guuleeystay ayuuna sii raaciyay macalimuu .

CUSBOONEEYSIIN

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ee weli Shirka uga socda Teendhada Afisyooni ay is faham badan ka gaareen inta badan qodobadii horey u burburay shirarkii hore.

Madaxda ayaa dood adeg ka yeeshay saddex qodobo oo dhowr jeer fashiliyay shirar looga hadlaayay Doorashada dalka ka dhaceysa uuna ka taagnaa khilaaf , kuwaasi oo kala ah arrinta Guddiyada doorasho, Gobolka Gedo iyo arrinta Somaliland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda ay isku afgarteen inta badan qodobadii laga doodayay marka laga reebo arrinta Somaliland, oo xalinteeda loo daayay xubnaha labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, in kastoofahmi waayeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka taagan Guddiga maareynta doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo ay isku hayaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in la diyaariyay Munaasabada weyn ee saxiixa heshiiska Madaxda oo qorsheysan in la qabto maalinta khamiista, haddii aanay wax is bedelin, sidoo kale waxaa shalay Madaxda ay sii bilaabeen diyaarinta qabyo qoraalka war murtiyeedka.

Shirka Wadatashiga Qaran oo maalintii sabtida ka furmay  Teendhada Afisyooni ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah galay, waxaana ka qeyb galaya RW Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

Leave a Reply