5″ September “2022 Muqdisho
Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa furay shirka Wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.
Shirka oo ka furmay Muqdisho ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii Wasiirada Maaliyadda dowlad Goboleedyada ay dib u habeyn ugu sameeyn lahaayeen dhaqaalaha, dar-dargalinta horumarinta Maaliyadda dalka iyo iskaashiga joogtada ah ee Dowladda Federalka iyo maamulada.
Wasiirka maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in inta uu socd shirka looga doodi doono arrimo dhowr ah, isla markaana xusay in shirka Wasaaradda Maaliyadda u furmay uu soconayo laba maalmood.
Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleeyada ayaa toddobaadkii hore sheegay inay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhexeysay wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka, iyada oo ku eedeeyay wasiirka maaliyadda inuu ka baxday heshiisyo wadashaqeyn ah oo ay la galeen maamulkii isaga ka horreyay.
“Waxaa jiray habraacyo iyo nidaam qoran oo ay ku wadashaqeyn jireen wasaaradaha maaliyadda ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleeyada, waxaana wasiirka cusub ka dareennay inuu baal maray heshiisyadaas” ayuu sheegay wasiirka maaliyadda Koofut Galbeed Axmed Maxamed Xuseen.
Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur weli kama hadlin eedeymahaas loo jeediyay.