6″ November “2022” Muqdisho

Shirkan oo ah midkii u horreeyay muddo sanno ka badan ay yeelanayaan Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada, ayaa socon doonaa muddo saddex maalin ah , iyadoo warmurtiyeed laga soo saari doono.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista犀利士 Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal oo shirka furtay, ayaa sheegtay in u jeeddada laga leeyahay ay tahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga , wada-shaqeynta horumarinta iyo mideynta siyaasadaha iyo shuruucda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
