War Saxaafadeed ay soo saartay shirkadda Hormuud ayaa waxa ay ka raaligelisay macaamiisheeda culeyskii ka jirey adeegga internetka.
Waxaa si buuxda dib ugu soo laabtay internet-kii ka go’onaa Koofurta iyo Bartamaha Somalia, kadib markii la cillad bixiyey xarigga Internet-ka ee Shirkadda Dalcom oo dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay ciladeysnaa.
Dalcom waa shirkadda iska leh xarigga Fiber-ka ee Dalka keena Internet-ka.
Halkan ka aqriso war saxaafadeedka ay soo saartay Shirkadda Hormuud;