Shirkadda Twitter” Ayaa Ka Digtay Xayiraada Ay Wajihi Doonaan Dadka Barahooda U Isticmaala Faafinta Qoraalada Been,abuurka Ah Ee Ku Saabsan COVID -19

2 ” March ” 2021″ XIGASHO: AFP

Shirkadda Twitter oo ka mid ah shirkadaha warbaahinta bulshada ayaa sheegaysa in dadka isticmaala ee sii wada soo dhajinta farriimaha marin habaabinta ah ee ku saabsan tallaalka coronavirus ay wajihi doonaan in lagamamnuuco barnaamijkeeda .

Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay bilaabi doonto calaamadeynta qoraallada been abuurka ah ee ku saabsan tallaalka COVID iyo mamnuucaya dadka isticmaala ee sii wada faafinta wararka noocaas ah.

Barmaamijka microblogging ayaa la soo saaray Isniintii “nidaamka shaqo joojinta” kaas oo si tartiib tartiib ah ugu sii kordhaya xayiraadda joogtada ah ka dib hadii ay gaarto heerka ugu danbeeya oo ah farriinta shanaad ee loo arko gudbinta macluud qaldan ,

“Waxaan rumeysanahay in nidaamka shaqo joojinta uu gacan ka geysan doono sidii bulshada loo bari lahaa siyaasadahayaga isla markaana loo sii yareyn lahaa faafitaanka macluumaadka halista ah iyo marin habaabinta ee Twitter-ka,” ayay shirkadda fadhigeedu yahay San Francisco ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda iyada oo tiri” Xadgudubyada soo noqnoqda waa kuwa ugu ee jabiya xeerarkeena . ”

Isticmaalayaasha Twitter-ka ayaa la ogeysiin doonaa markii qoraal loo calaamadeeyay mid marin habaabin ah ama loo baahan yahay in laga saaro jabinta sharciyada barmaamijka, in xayiraad la saari doono , sida ay sheegtay shirkadda Twitter ka .

Gadoodka labaad iyo saddexaad wuxuu mid kastaa sababi doonaa in koontada jebinta la xannibo 12 saacadood.

Xadgudubka afraad, xisaab ayaa laga maqnaan doonaa toddobo maalmood. Shaqo joojinta shanaad ayaa koontooyinka si joogto ah looga joojinayaa, ayay tiri Twitter.

Shirkadda warbaahinta bulshada dabayaaqadii sanadkii hore ayaa bilowday inay ugu baaqdo dadka isticmaala inay ka saaraan sheegashooyinka halista ah ee marin habaabinta ah ee COVID-19, oo ay ku jiraan soo jeedimaha ah in tallaallada loo isticmaalo in lagu dhibaateeyo ama lagu xakameeyo dadka.

Adeeggu wuxuu kaloo bartilmaameedsaday sheegashooyin aan sal iyo raad lahayn oo ku saabsan waxyeelada tallaalka ama su’aal galinta xaqiiqda cudurka.

Tan iyo markaas, Twitter wuxuu tirtiray in ka badan 8,400 tweets wuxuuna ogeysiiyey ilaa 11.5 milyan oo koontooyo adduunka ah oo ku saabsan ku xadgudubka xeerarkeeda macluumaadka COVID-19.

XAYEEYSIIN “

Nidaamka shaqo joojinta ayaa la mid ah waxa ay Twitter ku khuseyso warbixin khaldan oo doorashada la xiriirta, taas oo horseeday in madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump si joogto ah looga mamnuuco xadgudubyo soo noqnoqday, oo ay ku jiraan luqadda ay barxadda ku sheegtay in ay kicin karto rabshado isla markaana su’aal la gelinayo daacadnimada howlaha codbixinta.

Ololayaasha tallaalka ee COVID ayaa ka socda dalal badan iyada oo la isku dayayo in dadka caafimaadkooda la ilaaliyo lana soo celiyo qaab nololeedkii cudurka ka horreeyay.

YouTube iyo Facebook ayaa ka mid ah baraha internetka ee qaaday tallaabooyinka lagula dagaallamayo faafinta beenta ku saabsan aafada iyo tallaallada.

XIGASHO: AFP”

Leave a Reply