8″ January ” 2022″ Muqdisho
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Maanta oo sabti ah galay maalintii shanaad ayaa soo dhammaaday, iyada Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo 犀利士 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aysan weli gaarin is afgarad ku aadan arimaha doorashada .
Madaxda Golaha ayaa waxaa ay Maanta falanqeyn iyo wadatashi ka yeesheen cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
ffhayeenka xukuumada maxamed Ibrahim macalimoi ayaa warbaahinta u sheegay in shirku soo gaaray heer gabagabo ah
Sidoo kale Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay wadaan la-tashiyadii ugu danbeeyay oo ku saabsan doorashada iyo jaangoynta doorashada Golaha Shacabka.
Madaxda Golaha ayaa maalinta berri isugu soo laaban doona Shirkooda, isla markaana waxaa qorshahu uu yahay inay la kulmaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, si ay uga dhageystaan cabashooyinka ay ka qabaan doorashada.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee afartii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaan weli is afgarad laga gaarin qodobada waaweyn ee Shirka oo ay ugu weyn tahay arrinta amniga dalka.