Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Boosaaso oo uu xalay mar kale dagaal ka dhacay markii ay burburtay xabad joojintii lagu baaqay


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

23″ December “2021” Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidammada dowladda Puntland iyo kuwa PSF.

Dagaalka ayaa sida ay wararku sheegayaan socday muddo hal saac ah, balse markii dambe si iskiis ah isga qaboobay .

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa saakay deggan kaddib dagaalkaasi xalay saqdii dhexe ka dhacay magaalada.

Ma cadda ilaa iyo imika khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo ay dadku sheegeen in uu ahaa mid culus.

Dhanka kale, xukuumada Puntland ayaa mar kale ku celisay baaqii ahaa in agaasimiha PSF uu xilka wareejiyo.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale waxaa ay ku eedeeyeen hogaanka PSF ee dowladda ka soo horjeeda in uu “hurinayo” dagaal.

“Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay xukuumadda Puntland ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda ay waqti siinayso dadaalada socda si arrintan xal looga gaaro.

“Si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso,” ayaa lagu xusay qoraalka.

.

Dhanka kale waxaa socda waanwaan ay wadaan isimada iyo waxgaradka Puntland si xiisadda iyo colaadda ka taagan Boosaaso loo dajiyo.

Qaar ka mid ah odayaasha oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa dhinacyada ay dirirtu ka dhaxeyso ugu baaqay in ay dagaaka joojiyaan wadahadal-na la galo.

Madaxwaynihii hore ee Puntland cabdi Raxmaan Maxamed Faroole oo BBC la hadlay ayaa ku baaqay in xiisada la dajiyo islamarkana la wadahadlo.

Dagaalka xalay ayaa ku soo beegmay xilli dhinacyada dagaalamaya ay horey ugu dhawaaqeen cabad joojin.

Dhanka kale dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war ka soo saartay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladad Puntland iyo kuwa PSF ee Boosaaso ka dhacay.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhinacyada dagaalamaya loogu baaqay in si shuruud la’aan ah ay dagaalka u joojiyaan.

“Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara,” ayaa lagu yiri qoraalka ak soo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxwyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in uu dhiirigalinayo dadaalada ay wadaan waxgaradka iyo isimada Puntland ee lagu joojinayo dagaalka.

Dagaalka Boosaaso oo bilaabmay Talaadadii ayaa waxaa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo waliba barakac baahsan.

.

Maxay yihiin ciidamdaa PSF?

Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

“Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen, Cabdullaahi Yuusuf-na uu dhawr goor ka cawday argagixiso iyo arrimahaasi in ay ka jiraan bariga, baa hay’addani loo ogolaaday in ay halka ka hawlgasho {xarunna } ku yeeshaan qolodaa Mareykanka,” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

Leave a Reply